Uganda, 8 Oktoobar 2025 — Soomaaliya iyo Uganda ayaa saxiixday saddex heshiis -oo -Isafgarad ah (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, waxbarashada iyo maareynta socdaalka.
Saxiixidda heshiisyadan ayaa ka dhacday intii lagu guda jiray kulan laba maalmood socday oo ahaa Kalfadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Soomaaliya-Uganda (JPC) iyo Madasha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya-Uganda, oo lagu qabtay Talaadada iyo Arbacada magaalada Kampala.
War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya uu kulanka ka qaybgalay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Farah Sheekh Cabdulaqadir, Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag,” iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xamze Aadan Hadow.
Sidoo kale, kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Yuusuf Maxamed Aadan, Safiirka Soomaaliya ee Uganda, Fardowsa Maxamed Qanyare, iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustafa Sheekh Cali Dhuuulow. Kooxda Uganda waxaa hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Gobollada, John Mulimba.
War-saxaafadeedka wadajirka ah ee kulanka ka dib, labada dhinac waxay amaaneen xiriirka u dhexeeya labada dal, waxayna ku adkeeyeen ballanqaadkooda ku aaddan xoojinta iskaashiga ganacsi, maalgashi iyo dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka gobolka.
Wasiirada sidoo kale waxay dib u eegis ku sameeyeen horumarka heshiisyadii JPC ee hore, oo ka koobnaa la-tashiyo diblomaasiyadeed, difaac, ganacsi, dhiirrigelinta maalgashiga, iyo iskaashiga kamaradaha ganacsiga qaran.
Waxay sidoo kale u tilmaameen kooxahooda farsamo inay dhameystiraan heshiisyo kale oo ku saabsan caafimaadka, heerarka iyo tayada, kastamyada, maaliyadda iyo bangiyada, tirakoobka, maareynta qaxootiga iyo isbeddelka cimilada.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wadajirka ah, labada dowladood ayaa faray hay’adahooda duulista rayidka inay kulan yeeshaan si dib loogu eego Heshiiska Adeegyada Hawada ee Laba-geesoodka ah (BASA) si loo horumariyo isku xirka hawada.
Labada dal waxay sidoo kale ku heshiiyeen in la dhaqan geliyo Golaha Joogtada ah ee Maalgashiga iyo Ganacsiga (JPIBC) si looga hortago caqabadaha aan canshuurta ahayn loona fuliyo Baaqii Kampala ee Ganacsiga, Dalxiiska iyo Maalgashiga.
Madashu waxay sidoo kale ku heshiiyeen in kalfadhiga 3-aad ee JPC Soomaaliya-Uganda lagu qabto Muqdisho sannadka 2027.



