Soomaaliya (Dawan) – 22 Agoosto 2026 — Muuqaal si weyn indhaha u soo jiitay ayaa ku faafay baraha bulshada ee Soomaaliya, iyadoo taageerayaasha Sheekh Maxamed Nuur Bukhaari ay boqolaal geel ah isagu geeyeen xarunta jamaacada, halka ay lagu galbinayay salligga Nabiga iyo nabi amaan.
Raxanno geel ah ayaa si isdaba joog ah ugu dhex socda dadka isugu soo baxay goobta, taasoo ka mid ah muuqaalada ugu waaweyn ee lagu arko diyaar-garowga jamaacada Suufiyada ee xuska dhalashada Nabi Muxammad Nabad gelyo iyo Naxariis Korkiisa Ha-ahaatee (NNKH).
Halka dalal badan oo Carbeed iyo Islaami ah xuska Mawliidka looga xusaa macmacaan iyo caadooyin bulsheed oo kala duwan, jamaacada Sheekh Bukhaari waxay munaasabadda u xustaa qaab ka duwan, iyadoo geelu uu yahay qaybta ugu muuqata ee xuska, waxaana weheliya goobo cunto oo furan, xus, ducuo iyo amaanta Nabiga.
Jamaacadu waxay sannad kasta sidan ugu xustaa Mawliidka inta lagu jiro bisha Rabiicul Awal. Taageerayaasha Sheekh ayaa keena tiro badan oo geel ah, kuwaas oo markii dambe la qalo, cuntana laga diyaariyo, kadibna lagu bixiyo goobo cunto oo dadka loogu talagalay.
Sanadkan, jamaacadu waxay u qoondeysay in ka badan 1,500 geel xuska Mawliidka, kuwaas oo ay bixiyeen taageerayaasha Sheekh Bukhaari. Geela ayaa loo qaybinayaa xarunta jamaacada iyo xarumaha dariiqooyinka kale ee ka qeyb qaadanaya xuska.