Kenya, 9 Novermber 2025 - Siddeed iyo labaatan ganacsade oo Soomaali ah ayaa ka qaybgalaya Bandhigga 25-aad ee Ganacsiyada Yaryar iyo Dhexdhexaad (MSME) ee Bulshada Bariga Afrika, kaasoo ka socda Nairobi, Kenya, intii u dhaxaysay 7 ilaa 16 Nofeembar 2025. Ganacsatadan ayaa soo bandhigaya hal-abuuro cusub oo dhinaca teknolojiyadda iyo ganacsiga beeraha, iyagoo matalaya Soomaaliya markii ugu horreysay.
Ka qaybgalka ganacsatada Soomaaliyeed waxaa taageero siinaya Midowga Yurub, gaar ahaan hindisaha Global Gateway sida uu ku sheegay Midowga bartiisa X, si loo xoojiyo soo bandhigidda alaabooyinka iyo adeegyada cusub ee Soomaaliya. Bandhiggan ayaa fursad u siinaya ganacsatada Soomaaliyeed in ay la wadaagaan khibradooda, la sameeyaan iskaashi, isla markaana ka faa’iidaystaan suuqyada gobolka.






