New York (Dawan)- Soomaaliya ayaa sheegtay in ku xadgudubka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dal Carbeed uu khuseeyo dhammaan dalalka Carabta, iyadoo ku baaqday mowqif wadajir ah oo looga jawaabayo khataraha gobolka.
Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa hadalkaas ka jeediyay shir-doceed Isniintii ka dhacay magaalada New York kaas oo qeyb ka ah Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Yuusuf wuxuu sheegay in dhowrista madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dowladuhu aysan noqon karin arrin si kala xulasho ah loo dabaqo, balse ay tahay mabda’ aasaasi u ah sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Wasiirku wuxuu Israa’iil ku eedeeyay tallaabooyin uu sheegay inay beegsanayaan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, balse ma uusan faahfaahin tallaabooyinka uu ula jeeday. Wuxuu sheegay in Jaamacadda Carabta iyo dalalka Carabta iyo Islaamka ay si cad u diideen tallaabooyinkaas, isaga oo bogaadiyay taageerada loo muujiyay Soomaaliya.