Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya ayaa 14-ka Oktoobar dhaqan gelinaysa qodobo ka mid ah Dastuurka JFS ee 2026 oo kala saaraya xilalka Wasiirnimada iyo Xildhibaannimada, sida uu maanta oo Arbaco ah sheegay Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.
Guddiga ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in 14-ka Oktoobar ay dhaqan gelayaan Qodobka 81aad, Faqradda 1aad, xarafka (f), iyo Qodobka 117aad, Faqradda 3aad, xarafka (a) ee Dastuurka JFS ee 2026.
Sida ay dhigayaan qodobbada Dastuurka JFS ee 2026 ee Guddigu soo xigtay, Wasiirka isla markaana Xildhibaan ah wuxuu luminayaa xubinnimada Golaha Wasiirrada, halka xildhibaanku luminayo xildhibaannimadiisa haddii uu aqbalo xil kale oo dowladeed.
Dhaqan-galka qodobbadan ayaa saameyn kara 44 xubnood oo xukuumadda ka tirsan oo hadda sidoo kale xildhibaanno ah, kuwaas oo kala ah 16 wasiir, 13 wasiiru-dowle iyo 15 wasiir-ku-xigeen.