Soomaaliya, 28 Oktoobar 2025 — 148 muwaadin Soomaali ah oo ku sugnaa xeryaha qaxootiga ee Yemen ayaa xalay laga soo dajiyey Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, iyagoo noqday qeybtii labaad ee bishan la soo celiyo. Qeybtii ugu horreysay ayaa dib loogu soo celiyay 9 Oktoobar 2025, iyagoo tiradoodu ahayd 148 qof.
Dowladda ayaa sheegtay in hawlgalka lagu fuliyey iskaashi lala yeeshay hay’adaha Qaramada Midoobay ee u qaabilsan qaxootiga (UNHCR), halka Hay’adda Qaxootiga Qaranka Soomaaliya ay soo dhaweynta maamushay, iyadoo bixinaysa hoy ku-meel-gaar ah, cunto, iyo taageero kale oo lagu caawinayo dadka la soo celiyey.
Soo celinta qaxootigan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya wado sida ay sheegtay , si loogu soo celiyo dalka ilaa 1,000 muwaadin Soomaali ah oo Yemen ku sugan kahor dhammaadka 2025.
Ibraahim Guure Maxamed, Agaasimaha Waaxda Arrimaha Jaaliyadaha, ayaa la hadlay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) isagoo yiri:
"Waxaan dadaal ku bixinaynaa si aan u xaqiijino in dhammaadka sannadkan, qorshihii buuxa ee 1,000 muwaadin Soomaaliya laga soo celinayo Yemen uu dhamaado."
Mas’uuliyiintu waxay adkeeyeen in dowladda ay ka go’an tahay dib-u-soo-celinta muwaadiniinta, iyadoo lala kaashanayo Hay’adaha caalamiga ah.



