Sacuudiga (Dawan) – Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay muddo 35 sano ah kadib xuska maalinta xorriyadda ku qabatay Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo Safaaradda Soomaaliya ee Riyadh ay martigelisay munaasabad si weyn loo agaasimay oo lagu xusay 66-guurada xorriyadda iyo midnimada dalka.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga, munaasabaddan ayaa noqotay xuskii ugu horreeyay ee 1-da Luulyo ee lagu qabto magaalada Riyadh tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.
Xafladda waxaa ka qeyb galay Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga, Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, oo si rasmi ah u soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka socday Boqortooyada Sacuudiga, diblomaasiyiin caalami ah, ganacsato, wakiillo ka socday warbaahinta iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas.
Martida waxaa ka mid ahaa Duqa magaalada Riyadh, Amiir Faysal bin Cabdulcasiis bin Cayaaf, iyo mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga.