Muqdisho (Dawan) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa adkaynaysa horumarradii laga gaaray hay’adaha caddaaladda iyo asluubta intii uu socday hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), iyadoo Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud, uu xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo ay ka wada hadleen dhammaadka hawlgalka iyo sii-wadidda horumarrada la gaaray.
Wafdiga waxaa hoggaaminaysay Nasrin Khan, Madaxa Arrimaha Sarreynta Sharciga iyo Amniga ee UNTMIS. Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Kulanka oo ahaa mid sagootin ah ayaa diiradda lagu saaray dhammaadka hawlgalka UNTMIS iyo taageeradii uu u fidiyey hay’adaha caddaaladda iyo asluubta, gaar ahaan kobcinta awoodda hay’adaha, horumarinta shuruucda iyo siyaasadaha, iyo dib-u-habaynta adeegyada asluubta.