Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah u billowday diiwaangelinta hay’adaha dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ururiya, kaydiya, adeegsada, gudbiya ama shaaciya xogta shaqsiga ah ee muwaadiniinta.
Warqad rasmi ah oo ay Hay’addu soo saartay 31-ka May 2026 ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay ku saleysan tahay Qodobka 32-aad ee Sharciga Dhowrista Xogta, Sharci Lr. 005 ee sanadkii 2023.
Hay’addu waxay sheegtay in dhammaan xog-dhowrayaasha iyo xog-adeegsadayaasha ka howlgala Soomaaliya ay waajib ku tahay inay isdiiwaangeliyaan, si loo xoojiyo ilaalinta xogta muwaadiniinta loona hubiyo u hoggaansanaanta shuruucda dalka.
Sida lagu sheegay qoraalka, hay’adaha iyo shirkadaha buuxiya shuruudaha diiwaangelinta waxaa la siin doonaa shahaadooyin rasmi ah oo caddeynaya u hoggaansanaantooda nidaamka dhowrista xogta.









