Muqdisho (Dawan) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay axdiyo iyo siyaasado muhiim u ah horumarinta iskaashiga caalamiga ah iyo ilaalinta badaha. Axdiyadan ayaa lagu meelmariyay kulankii Golaha Wasiirrada ee maanta oo Khamiis ah, iyadoo looga hadlay arrimo saameyn ku leh deegaanka iyo ka jawaabista wasakhaynta badaha, gaar ahaan wasakhaynta shidaalka.
Axdiyada la ansixiyay ayaa kala ah:
Axdiga Caalamiga ah ee Asaasidda Sanduuqa Caalamiga ah ee Magdhowga Waxyeelada Wasakhaynta Shidaalka (1992).
Axdiga Caalamiga ah ee Iskaashiga u Diyaargarowga iyo Ka Jawaabista Wasakhowga Saliideed (1990).







