Muqdisho (Dawan) — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay laba heshiis is-afgarad oo ay la galeen Jamhuuriyadda Turkmenistan iyo Jamhuuriyadda Hindiya, kuwaas oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed iyo xoojinta iskaashiga labada dal.
Sida uu sheegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyay heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkmenistan oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed, iyo heshiis kale oo la mid ah oo lala galay Hindiya, kaas oo diiradda saaraya xoojinta wada-hadalka siyaasadeed ee labada dal.
Heshiisyadan ayaa la filayaa inay abuuraan hannaan rasmi ah oo ay labada dhinac ku yeeshaan wadatashiyo joogto ah, si looga wada hadlo arrimaha danaha wadajirka ah iyo xoojinta xiriirka labada dal.