Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixisay Qorshaha Qaran ee U-diyaargarowga El Niño 2026–2027, kaas oo mideynaya dadaallada hay’adaha dowladda ee la xiriira ka-hortagga, ka-jawaabista iyo ka-soo-kabashada khataraha ka dhalan kara roobabka culus iyo fatahaadaha.
Qorshahan ayaa lagu ansixiyay kulan heer wasiir ah oo uu Muqdisho ku guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray u-diyaargarowga El Niño 2026–2027 iyo xoojinta hab ay dowladda oo dhan uga wada shaqeyso maaraynta khataraha ka dhalan kara isbeddellada cimilada.
Qorshaha cusub wuxuu isku xirayaa masuuliyadaha Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo dowladaha hoose, si loo xaqiijiyo diyaargarow qaran oo ku saleysan saadaasha cimilada, digniinta hore iyo xogta khataraha.
Dowladda ayaa sheegtay in qorshuhu diiradda saarayo afar marxaladood oo isku xiran: diyaar-garowga, tallaabooyinka horudhaca ah, ka-jawaabista xaaladaha degdegga ah iyo soo-kabashada.
Waxaa sidoo kale mudnaan la siinayaa ilaalinta dadka, xoolaha, beeraha, ilaha biyaha iyo kaabeyaasha muhiimka ah ee ay waxyeelladu ka soo gaari karto roobabka xooggan iyo fatahaadaha.