Muqdisho, 8 Jannaayo 2026 (Dawan)- Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa Khamiistii shaacisay inay billowday baaritaan rasmi ah oo ku saabsan warar sheegaya in hawada Soomaaliya loo adeegsaday si sharci-darro ah, si loo fududeeyo baxsashada mas’uul sare oo u dhashay Yemen.
Hay’addu waxay sheegtay inay si dhow ula shaqaynayso hay’adaha amniga qaranka si loo xaqiijiyo eedeymaha la xiriira in Caydaruus al-Zubeydi, hoggaamiyihii Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta Yemen , uu soo maray dhulka iyo hawada Soomaaliya, xilli uu ka baxsanayay isbahaysiga uu hoggaamiyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
"Fududeynta baxsashada dadka dambiilayaasha ah ama fulinta hawlgallo hal dhinac ah oo ka dhaca dhulka Soomaaliya iyadoo aan la helin oggolaansho sharci ah waa mid aan la aqbali karin," ayay Hay’addu ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay, waxayna raacisay "Ixtiraamka madax-bannaanida iyo u hoggaansanaanta mabaadi'da sharciga ee qaranka iyo kuwa caalamiga ah waa arrimo aan laga gorgortami karin.""
Baaritaankan ayaa imanaya kaddib markii ay soo baxeen warar tilmaamaya in al-Zubeydi uu si qarsoodi ah uga baxay koonfurta Yemen, isagoo badda ku gaaray dekedda Berbera, ka hor inta uusan diyaarad ka raacin, taas oo la sheegay inay ku hakatay Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho.







