Muqdisho 17 December 2025 (Dawan)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ballanqaaday in carruurta ka yar 18 sano aan lagu darin karin qeybaha kala duwan ee ciidamada, si loo xoojiyo dadaallada lagu ilaalinyo carruurta ay saameeyeen colaadaha hubaysan.
Hadalka waxaa munaasabadda saxiixa Hagaha Hirgelinta Qorshaha 2025, ee ilaalinta carruurta xilliyada colaadaha hubeysan ee ay wada galeen Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ka sheegay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi.
Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo munaasabadda joogay ayaa ku tilmaamay in Hagahan uu yahay tallaabo muujinaysa bisayl dowladeed iyo mas’uuliyad qaran. Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa xusay in guusha la gaaray ay tahay horumar muuqda oo lagu gaaray ilaalinta carruurta dagaallada iyo colaadaha halista ah.





