Muqdisho 19 Diseembar 2025 (Dawan) - Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warar ay baahiyeen warbaahin caalami ah oo sheegaya in ay heshiisyo qarsoodi ah la gashay dowladda Iswiidhan, kuwaas oo la xiriira dib-u-celinta qaxootiga Soomaaliyeed, iyadoo ku tilmaantay eedeymahaas kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
Bayaan kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu sheegay in wararka la faafiyay ee ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo lala galay Iswiidhan ay yihiin kuwo aan sax ahayn, isla markaana aan ku salaysnayn ilo rasmi ah ama caddeymo la xaqiijin karo.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in gargaarka Iswiidhan lagu bixiyo marinnada caalamiga ah ee la yaqaan, sida Hay’adaha Qaramada Midoobay, isla markaana ay fuliyaan hay’ado caalami ah . Dowladda ayaa sidoo kale si cad u beenisay in lacago Iswiidhan ka yimaadda lagu shubo akoonno gaar ah oo ay leeyihiin mas’uuliyiin Soomaaliyeed, iyadoo tiri: “Ma jiraan wax lacago ah oo Iswiidhan ka yimaadda oo si toos ah loogu shubo akoonno shaqsiyeed oo ay leeyihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.”







