Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u beenisay wararka sheegaya in safiirka Imaaraadka Carabta laga eryay Muqdisho, iyadoo ku tilmaantay eedeymahaas kuwo “aan sal lahayn” oo lagu faafiyay warbaahinta iyo baraha bulshada.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa bayaan ay soo saartay maanta oo Talaado ah ku sheegtay inay “walaac xooggan” ka qabto wararkaasi, kuwaas oo ay tilmaantay inay yihiin kuwo been abuur ah oo aan ka iman ilo rasmi ah.


