Soomaaliya, 15 October 2025 – hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa shalay bilowday tababar ku saabsan heerka labaad ah oo ku saabsan xeerarka Dijitaalka ah iyo isbedeladda Tiknoolajiyadda oo Muqdisho ka dhacayo.
Hay’adda ayaa tababarkaa u kaashaneysa Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo taageerada Akadeemiyadda Sharciyeynta Dijitaalka ee Hay’adda Isgaarsiinta, Cirka iyo Teknoolojiyadda (CST) ee Sucuudiga, iyada oo lagu wado in uu socdo muddo saddex maalmood ah oo ku egaan doonta maalinta bari ah.
Tababarkaan inta uu socdo waxa uu isku keenayaa mas’uuliyiin ka socda Hay’adda Qaranka ee Isgaarsiinta (NCA) iyo Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda (MoCT) si looga wada hadlo hababka wax ku oolka ah ee lagu horumarinayo maamulka dijitalka, ammaankiisa isla markaana la jaanqaadi kara isbdelada dijitaaka ah oo ah halka ay dunida u socoto maanta.
Hay’adda isgaarsiinta qaranka ayaa tababarkaan u jeedadiida ku sheegtay mid lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee dejinta iyo hergalinta sharciyada dijitaalka ah, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.
Hilitaanka internetka si ka fudud wadamada africa qaarkood ayaa muujiyay baahida degdegga ah ee loo qabo xeerar dijitalka oo adag iyo isbeddel tiknoolajiyadda dalka. Maaddaama nidaamka dijitalka Soomaaliya uu korayo, waxaa muhiim ah in la sameeyo qaab-dhismeedyo sharci oo xaqiijinaya in dhammaan muwaadiniinta ay helaan adeegyo teknolojiyad ammaan ah, la isku halayn karo, isla markaana loo wada siman yahay.
Sharciyada dijitaalka iyo hirgelinta xeerarka ayaa muhiim u ah Soomaliya, si loo maareeyo teknoolojiyada cusub—laga bilaabo lacag-bixinta moobilka ilaa nidaamyada aqoonsiga dijitalka ah—si ammaan ah oo hufan.
Isbeddelka dijitalka ee Soomaaliya waxaa loo arkaa mudnaanta istaraatiijiyadeed ee lagu ballaarinayo ka-qaybgalka maaliyadeed, iyo horumarinada adeegyada bulshada, iyadoo la hubinayo u hoggaansanaanta xeerarka caalamiga ah ee maamulka dijitalka.



