Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Talaadadii si rasmi ah ugu dhawaaqday in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safraya dalalka uu waajibka ka yahay tallaalka Yellow Fever ay si bilaash ah ku heli doonaan buugga caddeynta tallaalka, iyadoo aan wax lacag ah laga qaadi doonin. Muwaadiniinta waxaa kaliya looga baahan yahay inay soo qaataan warqadda caddeynta tallaalka.
Ku dhawaaqistan ayaa timid kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu booqday garoonka diyaaradaha, isaga oo sheegay in aan mar dambe lacag laga qaadi doonin buugga tallaalka Yellow Fever, taas oo horay u ahayd $30.
Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo galabta kormeer ku tegay xafiiska Wasaaradda Caafimaadka ee ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho, ayaa sii adkeeyay go’aankan.
Wasiirku wuxuu sheegay in go’aankani yahay amar ka yimid Xukuumadda Federaalka, isla markaana uu ka tarjumayo dadaalka dowladda ee lagu yareynayo culeyska dhaqaale ee saaran muwaadiniinta, laguna ilaalinayo shuruucda caafimaadka iyo safarka ee caalamiga ah.
“Waxaan leenahay muwaadiniinta u safraya waddamada uu waajibka ka yahay tallaalku inay marka hore ka qaataan isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka, warqad caddeyn ahna la yimaadaan xafiiska Wasaaradda Caafimaadka ee garoonka. Buugga tallaalka waxaad ku heli doontaan si lacag la’aan ah. Qof kasta oo buugga idin siinaya haddii uu lacag idin weydiiyo, ha bixinin, soona sheega,” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka.







