Muqdisho (Dawan)— Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay in mowqifkeeda rasmiga ah ee ku aaddan qaddiyadda Qubrus uusan wax isbeddel ah ku imaan, kaddib markii uu Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Cabduqaadir Maxamed Nuur, ugu yeeray Waqooyiga Qubrus “Jamhuuriyad”.
Arrintan ayaa timid kaddib markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu farriin uu si shaqsi ah u baahiyay ugu mahadceliyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyiga Qubrus, Dr. Ziya Öztürkler, hambalyada uu usoo diray kaddib doorashadiisa.
Erayga “Jamhuuriyad” ee loo adeegsaday Waqooyiga Qubrus ayaa dhaliyay hadal-heyn, maadaama Soomaaliya ay muddo dheer taageereysay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Qubrus, iyadoo aan aqoonsanayn maamulka ka jira waqooyiga jasiiradda.
War-saxaafadeed ay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo saartay ayaa lagu sheegay in siyaasadda Soomaaliya ee ku saabsan Qubrus ay weli ku saleysan tahay Axdiga Qaramada Midoobay iyo qaraarrada Golaha Ammaanka, gaar ahaan Qaraarrada 541 ee 1983 iyo 550 ee 1984.
Dowladdu waxay sheegtay in qoraalka shaqsiga ah ee dhowaan la baahiyay uusan ka tarjumayn siyaasadda rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aan loo fasiran karin inuu yahay go'aan cusub oo lagu beddelay mowqifka dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeysay inaysan aqoonsanayn wax maamul gaar ah oo ka jira waqooyiga Qubrus, iyadoo mar kale taageertay madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Qubrus.
Waxay sidoo kale sheegtay inaysan jirin wax go'aan rasmi ah oo lagu beddelay siyaasadda Soomaaliya ee ku aaddan Qubrus.