Mareykanka, 31 Oktooobar 2025 – Soomaaliya, Aljeeriya, Guyana iyo Sierra Leone ayaa si xooggan u cambaareeyey xaaladda bani’aadamnimo ee sii xumaanaysa ee ka jirta Sudan, iyagoo ku tilmaamay “wax naxdin leh oo dhab ah.”
Intii lagu jiray kulan uu Khamiistii qabtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, afarta dal waxay ku baaqeen in lala xisaabtamo masuuliyiinta ku xadgudbay, la ilaaliyo shacabka rayidka ah, lana joojiyo dagaalka isla markiiba.
Safiirka Aljeeriya u fadhiya Qaramada Midoobay, Amar Bendjama, oo ku hadlayey magaca kooxda, ayaa sheegay in xaaladda magaalada Al-Fashir ay noqotay “wax naxdin leh” ka dib markii ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Taageerada Degdegga ah, taasoo keentay dhimashada tiro badan oo rayid ah iyo faafitaanka gaajada iyo dhibaatooyinka.
Amar Bendjama ayaa intaa ku daray: “Muuqaalka aan ka baqaynay inuu dhaco oo aan isku daynay inaan ka hortagno ayaa hadda noqday wax naxdin leh. Ciidamada Taageerada Degdegga ah ayaa qabsaday Al-Fashir ka dib in ka badan 18 bilood oo ciriiri, gaajo, rajo xumo iyo dhibaatoyin ah.”
Wuxuu xusay warbixino sheegaya in in ka badan 460 bukaan ah lagu dilay isbitaal dhallinyaro loogu talagalay, isagoo yiri: “Meel loogu talagalay daaweynta, maaha meeha dil. Meel nolosha loogu talagalay ayaa isu bedeshay goob xasuuq ah.”
Wuxuu sidoo kale raaciyey: “Xadgudubyada ka dhacay Al-Fashir ma aha kuwo lama filaan ah. Waxay ka dhashaan bilo iyo bilo ah oo bulshadda caalamku ay si dagan u daawanaysay masiibada oo si tartiib tartiib ah u dhacaysa. Golaha Ammaanka, Golaha Ammaankeenna, wuxuu leeyahay masuuliyad ah ilaalinta shacabka Suudaan, waxaana tahay inaan dadaal dheeraad ah gelino soo gabagabeentiisa.”
Sidoo kale, wuxuu dhaleeceeyey faragelinta dibadda, isagoo yiri: “Kuwa bixiya taageerada dibadda ee dambiilayaasha ku lugta leh xasuuqyadaas ee lagu magacaabo RSF, oo ay ku jirto siinta hubka iyo ciidanka , nasiib darro waxay gacan ka geysanayaan gowraca shacabka Suudaan. Waxaan ku celinaynaa baaqayada ah in si adag loo cambaareeyo faragelinta shisheeye ee Suudaan.”
Marka laga hadlayo waddada lagu gaari karo xalka, Amar Bendjama wuxuu yiri: “Ma jiro xalka ciidan ee khilaafkan, wadaxaajood iyo gorgortan keliya ayaa keeni kara nabad. Waxaan ku baaqeynaa joojinta dhaq-dhaqaaqyada dagaal ee Al-Fashir iyo hareeraheeda si loo helo xal nabadeed oo gorgortan lagu gaaro.”
Ugu dambeyn, wuxuu yiri: “Mar kale waxaan ku celinaynaa ballan-qaadkeenna ku aaddan madax-bannaanida Sudan, midnimadeeda, iyo ilaalinta dhuleeda. Ku filan dhibaatooyinka Sudan, ku filan dhiig-bax. Waa waqtigii garasho, waqtigii xaqiiqda, waqtigii nabadda.”



