Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay qarax lala beegsaday maqaaxi ku taalla bartamaha magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya, kaas oo sababay dhimashada ugu yaraan sagaal qof iyo dhaawaca 20 kale.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in qaraxa uu haleelay dad rayid ah oo aan waxba galabsan , iyadoo dowladda Soomaaliya ay tacsi u dirtay Dowladda iyo shacabka Suuriya, gaar ahaan qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday weerarka.
"Soomaaliya waxay u rajaynaysaa dhammaan dadka dhaawacmay caafimaad degdeg ah, waxayna garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Carabta Suuriya xilligan adag," ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda.
Sida ay sheegeen Wasaaradda Caafimaadka Suuriya iyo warbaahinta dowladda, qaraxa ayaa dhacay abaarihii 3:24 galabnimo ee Khamiistii, gudaha maqaaxi ku taalla waddada Al-Nasser ee degmada Al-Marjah ee magaalada Dimishiq.