Soomaaliya, 23 Febraayo 2026 (Dawan)– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah si adag u cambaareysay weerarkii dhowaan ka dhacay gobolka Zamfara ee dalka Nigeria, kaas oo lagu dilay in ka badan 50 qof oo rayid ah, laguna afduubay haween iyo carruur.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa muujisay “garab istaagga ay u hayaan Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria,” waxayna ku baaqday “sii deynta degdegga ah ee aan shuruud ku xirnayn” ee dhammaan dadka la haysto.
“Afrika waa inay u midowdaa ka hortagga argagixisada iyo ilaalinta dadka rayidka ah,” ayay wasaaraddu ku tiri bayaan ay soo saartay.







