Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weeraro ay ku tilmaantay argagixiso oo lagu qaaday caasimadda Suuriya ee Dimishiq, iyadoo ku baaqday in dadka ka dambeeyay falalkaasi la horkeeno sharciga.
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarada noocan ah ay khatar ku yihiin nabadda iyo amniga, iyadoo dowladda Soomaaliya ay muujisay garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Suuriya ee la tacaalaya kooxaha argagixisada.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya ayaa sheegtay in ugu yaraan 18 qof, oo ay ku jiraan afar sarkaal oo boolis ah, ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay agagaarka Wasaaradda Dalxiiska ee Suuriya oo ku taalla bartamaha magaalada Dimishiq.
Sida ay wasaaraddu sheegtay, qaraxyada ayaa dhacay subaxnimadii Talaadada xilli ciidamada ammaanka ay ku guda jireen howlgal lagu baabi’inayay walxo qarxa oo guri lagu sameeyay.