Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarro loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu bartilmaameedsaday Boqortooyada Sacuudiga, kuwaas oo la qabtay lana burburiyay kadib markii ay galeen hawada dalkaasi.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay weerarradaasi u aragto xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Boqortooyada Sacuudiga iyo khatar ku wajahan nabadda iyo xasilloonida gobolka.
“Soomaaliya waxay markale xaqiijineysaa garab istaaggeeda buuxa ee ay la leedahay Boqortooyada walaalaha ah ee Sacuudi Carabiya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.


