Soomaaliya, 18 November 2025 – Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa Isniintii magaalada Muqdisho kusoo xirtay shir heer qaran ah oo socday saddex maalmood, kaas oo lagu ansixiyay Istaraatijiyadda Qaranka ee Tallaabooyinka Hore ee La Qaado Marka La Saadaaliyo Masiibo (Anticipatory Action) — qorshe hagaya sida Soomaaliya u saadaalin karto aafooyinka iyo sida ay u qaadi karto tallaabooyin degdeg ah oo badbaadinaya nolosha shacabka.
Agaasimaha Maareynta Khatarta Masiibooyinka ee SODMA Khadar Sheekh Maxamed, oo ka hadlay xiritaanka shirka, ayaa sheegay in istaraatijiyadda ay ka dhalay sanado wadatashi, falanqeyn qoto dheer, iyo dib-u-eegis farsamo oo ay si wadajir ah u sameeyeen SoDMA, IGAD, hay’adaha Qaramada Midoobay, iyo wasaaradaha dowladda.
“Khariidaddu waa mid ka tarjumaysa shaqo adag, iskaashi ballaaran, iyo hannaanka ay dowladdu si dhow ula socotay,” ayuu yiri Agaasime Khadar. “Bah-wadaagteenna ayaa suurta geliyay in maanta Soomaaliya hesho qorshe mideysan oo ku saabsan tallaabooyinka hore ee masiibooyinka.”
Istaraatijiyaddu waxay xoogga saareysaa:
- In la diyaariyo nidaam saadaalin hore oo isku xiraya hay’adaha dowladda
- In la dardargeliyo tallaabooyinka degdegga ah marka digniinaha early-warning-ka soo baxaan
- In la kordhiyo awoodda bulshada ee u adkeysiga masiibooyinka
- In la mideeyo xogaha saadaasha, falanqaynta, iyo jawaab-celinta








