Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya ayaa Arbacadii daahfurtay mashruuc horumarineed oo gaaraya $11 milyan, kaas oo lagu taageerayo bulshooyinka ay saameeyeen barakaca, isbeddelka cimilada iyo xaaladaha dhaqaale ee adag ee ka jira qaybo kamid ah koonfurta Soomaaliya.
Mashruuca oo loo yaqaan KOBAC ayaa lagu daahfuray Muqdisho, waxaana hirgelinaysa Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara. Munaasabadda daahfurka waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, Midowga Yurub iyo hay’adaha gargaarka.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa si rasmi ah u furay mashruuca, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka socday wasaaradaha arrimaha gudaha, tamarta iyo qorsheynta, iyo sidoo kale wakiillo ka socday Hay’adda NRC iyo Midowga Yurub.
Sida ay xaruntu sheegtay, mashruuca oo socon doona muddo saddex sano ah ayaa laga hirgelin doonaa degmooyinka Jowhar iyo Afgooye, waxaana lagu taageerayaa in ka badan 61,000 oo qof.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in mashruucu diiradda saari doono horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta kaabeyaasha dhaqaalaha, kobcinta fursadaha nololeed iyo dhisidda adkeysiga bulshooyinka ay saameeyeen barakaca iyo isbeddelka cimiladu.


