New York (Dawan) — Dowladda Soomaaliya waxay u baahan tahay maalgelin la isku hallayn karo xilli ciidamadeedu qaadayaan masuuliyado amni oo dheeraad ah, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maanta oo Khamiis ah ka sheegay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Wuxuu ku baaqay in dhaqaale ku filan loo helo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AUSSOM.
“U gudbidda masuuliyadda buuxda ee amniga Soomaaliya waa in la siiyaa dhaqaale ku filan, loo fuliyaa si wejiyo leh, laguna saleeyaa hay’ado Soomaaliyeed oo awood leh,” ayuu yiri madaxweynuha.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisu ay xoojinayso hay’adaha amniga, dhisayso awoodda ciidanka, horumarinayso sirdoonka, isla markaana ballaarinayso iskaashiga amni ee ay la leedahay dalalka kale. Wuxuu intaas ku daray in dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee Soomaaliya uu saameyn ku leeyahay amniga gobolka iyo kan caalamka.