Muqdisho (Dawan) — Waxaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah uga furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada Degdegga ah ee Caafimaadka Dadweynaha ee Soomaaliya kulan looga hadlayo qorshaha ka hortagga cudurka Ebola, kaas oo looga golleeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga hay’adaha dowladda ee la xiriira caafimaadka iyo badbaadada dalka ee cudurkan halista ah.
Kulankan waxaa ka qeyb galay xubno ka socday Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Duulista Hawada, Wasaaradda Warfaafinta, Maareeyaha Guud ee Duulista Hawada, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa qorshayaasha ka hortagga iyo cudurka Ebola, iyo sidii loo adkeyn lahaa nidaamka wada shaqeyneed ee hay’adahaasi.


