Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Istiraatiijiyadda iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC), oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, wakiillo ka socday Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha ganacsiga.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa dib-u-habeynta hannaanka ganacsiga, loona yarayn lahaa caqabadaha hortaagan isu socodka badeecadaha, isla markaana Soomaaliya loogu diyaarin lahaa is-dhexgal dhaqaale oo ballaaran oo heer gobol iyo qaaradeed ah.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Jaamaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay in kulanku uu fursad u yahay in Soomaaliya ay ka faa’iideysato waayo-aragnimada iyo aqoonta ay la yimaadeen xubnaha iyo khubarada ka kala socota baarlamaannada Afrika, si loo xoojiyo siyaasadaha iyo dib-u-habeynta ganacsiga.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in fududeynta ganacsigu ay laf-dhabar u tahay hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), isla markaana ay door muhiim ah ka qaadanayso kobcinta dhaqaalaha, soo jiidashada maalgashiga iyo kor u qaadidda tartanka ganacsiga Soomaaliya.