Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa dardargelinaysa dadaallada lagu horumarinayo xirfadaha iyo shaqo-abuurka, iyadoo Guddiga Qaran ee Horumarinta Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka uu yeeshay shirkiisii ugu horreeyay, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka qayb galay kulanka.
Guddiga oo ay ku jiraan wakiillo ka socda 13 wasaaradood oo dowladda federaalka ah ayaa ka shaqaynaya sidii loo horumarin lahaa xirfadaha shaqaalaha, loo abuuri lahaa fursado shaqo, loona waafajin lahaa tababarrada baahiyaha suuqa shaqada.
Guddiga ayaa kadib shirka muuqaal ku sheegay in siyaasadda xirfadaha iyo shaqo-abuurku ay dadka siin karto xirfado ay ku shaqeystaan, isla markaana ay kordhin karto ka qaybgalka bulshada ee dhaqaalaha dalka.
Waxay sheegeen in diiradda la saarayo xirfado ay ka mid yihiin teknoolajiyada dhijitaalka ah, ICT-ga, wax-soo-saarka, beeraha iyo xoolaha iyo hal-abuurka ganacsiga, iyadoo la doonayo in tababarrada lagu saleeyo baahiyaha suuqa shaqada iyo isbeddellada teknoolajiyada.
Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale ku baaqeen in Soomaaliya ay dhisto shaqaale xirfad leh oo dabooli kara baahida gudaha, taas oo yareyn karta ku tiirsanaanta shaqaale iyo adeegyo dibadda laga keeno.