Jabuuti (Dawan)— Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay dib u bilowdo qudaarta ay u dhoofiso Jabuuti, iyadoo rugaha ganacsiga labada dal ay ka wada hadlayaan ballaarinta ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirka dekedaha, sida ay sheegeen masuuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.
Arrinkana ayaa lagu sheeciyey kadib markii Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Yasiin Maxamuud Cibaar, iyo dhiggiisa Jabuuti, Yuusuf Muuse Dawaale, oo magaalada Jabuuti ku guddoomiyaykulan ay ka qeybgaleen ganacsato labada dhinac ah Talaadadii .
Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dhiggooda Jabuuti ugu baaqay inay dib u bilaabaan soo dejinta mooska, babaayga, qaraha iyo wax soo saarka kale ee beeraha Soomaaliya. Waxay sidoo kale soo bandhigeen fursadaha ganacsi ee la xiriira fooxa iyo khayraadka kale ee dabiiciga ah.
Cibaar ayaa sheegay in caqabadaha gaadiidka iyo isku xirka labada dal ay hakad geliyeen dhoofinta wax soo saarka beeraha. Waxa uu intaas ku daray in badeecadaha Soomaaliyeed ay fursad ka heli karaan suuqa Jabuuti, oo inta badan cuntadeeda dibadda ka soo dejisa.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay suurtagalnimada in maraakiib yaryar oo xamuul ahi ay badeecadaha ka soo qaadaan dekedda Jabuuti, kadibna geeyaan dekedaha kala duwan ee Soomaaliya.