Muqdisho (Dawan)– Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah dib u eegay horumarka laga sameeyay hirgelinta baasaboorka elektaroonigga ah ee jiilka saddexaad, iyadoo dowladda ay waddo qorshe lagu casriyeynayo nidaamka baasaboorrada iyo xoojinta amniga dukumentiyada safarka.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Golaha Wasiirrada ayaa dhageystay warbixin ay soo bandhigtay Wasaaradda Amniga Gudaha oo ku saabsan geeddi-socodka sameynta baasaboorka jiilka saddexaad ee Polycarbonate E-Passport iyo dib-u-habeynta nidaamka bixinta baasaboorrada.
Wasaaraddu waxay sheegtay in baasaboorka cusub uu fududeyn doono isu-socodka muwaadiniinta, dib u habeyn doono nidaamka baasaboorka Soomaaliya isla markaana sahli doono habka ay muwaadiniintu ku helaan baasaboorka.