Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliyeed (SNBS) ayaa sheegtay inay bilowday wadatashiyada Dib-u-eegista Qaran ee 2026 ee horumarka Soomaaliya ka gaartay Yoolalka Horumarka Waara ee Qaramada Midoobay (SDGs).
Sida ay hay’addu sheegtay, wadatashiyadan oo Arbacadii ka furmay Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb galay ku dhowaad 70 wakiil oo ka socday ururrada bulshada rayidka ah, kuwaas oo ay kamid yihiin kooxaha ka shaqeeya arrimaha haweenka, carruurta, dadka naafada ah, aqoonyahannada, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo qurba-joogta Soomaaliyeed.
Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda, Cabdiraxmaan Cumar Daahir, oo furay kulanka, ayaa sheegay in wadahadal qaran oo loo dhan yahay iyo warbixin ku saleysan xog dhab ah ay muhiim u yihiin qiimeynta horumarka Soomaaliya ee dhinaca Yoolalka Horumarka Waara ee Qaramada Midoobay.
Ka qeybgalayaasha ayaa ka dooday xaaladda hadda jirta ee hirgelinta Yoolalka Horumarka Waara ee Soomaaliya, iyagoo wadaagay khibradahooda, caqabadaha jira iyo talooyin lagu xoojinayo dadaallada hirgelinta ee qeybaha kala duwan.
Soomaaliya ayaa weli wajahaysa caqabado waaweyn oo dhinaca horumarka ah, kuwaas oo la xiriira amni darrada, isbeddelka cimilada, barakaca, saboolnimada iyo kaabeyaasha xaddidan, kuwaas oo saameeyay horumarka qaar kamid ah yoolalka horumarineed.
Wadatashiyadan ayaa qeyb ka ah dib-u-eegistii labaad ee qaran ee Soomaaliya ee Yoolalka Horumarka Waara ee Qaramada Midoobay, kaddib markii dalka uu soo bandhigay dib-u-eegistii ugu horreysay sanadkii 2022.
Mas’uuliyiinta hay’adda ayaa sheegay in warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya lagu soo bandhigay magaalada New York sanadkii 2022 ay heshay bogaadin iyo falcelin wanaagsan oo ka timid bah-wadaagta caalamiga ah.


