Soomaaliya, 15 Oktoobar 2025 — Xildhibannada Soomaaliya ayaa Kalfadhiga 7-aad, kulankiisa sedaxaad ee wadajirka ah ee Mudanayaasha labada Aqal maanta doortay 9-ka xubnood ee ku meteli doona Golaha Sharci-dejinta Bulshada Bariga Afrika (EALA).
Shirka ayaa ka dhacay Muqdisho, waxaana shir guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Waxaa ka qeybgalay 222 xildhibaan oo codkooda dhiibtay. Kuraasta midkiiba waxaa u tartamay laba musharrax, guuleystayaashuna waxaa lagu go’aamiyey codka ugu badan.
Xildhibaanada la doortay ayaa kala ah:
- Abukar Cabdi Cismaan
- Xuseen Xasan Cabdi
- Sahra Cali Xasan
- Ilhaan Cali Gassaar
- Faadumo Cabdullaahi Maxamuud
- Cabdisalaan Hadliye Cumar
- Faysal Cabdi Rooble
- Cabdiraxmaan Bashiir Shariif
- Fahmo Axmed Nuur
Xildhibaanadani waxay mudadoodu tahay muddo shan sano ah, waxaana la cusboonaysiin karaa. Tirada guud ee xubnaha EALA hadda waa 72 xubnood.
Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC) sanadkii 2023, taasoo muujinaysa xoojinta iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa hambalyo u diray xildhibaanada la doortay, isagoo xusay in doorashadan ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay buuxisay mid ka mid ah shuruudihii ururkan.



