Seoul (Dawan) – Soomaaliya ayaa ka faa’iideysanaysa ka qaybgalkeeda Shirka heer wasiir ee Kuuriya iyo Afrika ee ka socda magaalada Seoul si ay u raadiso fursado cusub oo ganacsi iyo maalgashi, xilli ay dowladda Federaalka Soomaaliya dardargelinayso dadaallada lagu ballaarinayo xiriirrada dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka caalamka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalam Cabdi Cali, ayaa ka qaybgalay furitaanka shirka, kaas oo ay isugu yimaadeen wasiirrada arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socda dalalka Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed.
Shirkan ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda, horumarinta waarta iyo iskaashiga caalamiga ah, iyadoo dhinacyadu ay ka wada hadlayaan hababka lagu kobcin karo xiriirka dhaqaale ee u dhexeeya Afrika iyo Kuuriya.









