Muqdisho (Dawan)- Xukuumadda Soomaaliya ayaa u saartay guddi ka kooban lix wasaaradood diyaar-garowga iyo ka hortagga cudurka Ebola, kaddib markii Golaha Wasiirradu maanta ka yeesheen kulanka toddobaadle ah oo looga hadlay xaaladda cudurka iyo tallaabooyinka looga hortagi karo inuu dalka soo gaaro.
Guddiga waxaa guddoominaya Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Jibriil Xaaji Cabdi, waxaana xubno ka ah wasaaradaha Caafimaadka, Amniga, Arrimaha Dibadda, Gaadiidka, Warfaafinta iyo Xannaanada Xoolaha, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Go’aanka ayaa yimid iyadoo Kenya ay 6 Oktoobar xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola ee dalka, kaddib markii muwaadin Kenyan ah oo ka soo safray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), isagoo sii maray Uganda, lagu xaqiijiyay cudurka magaalada Nairobi. Bukaanka ayaa markii dambe geeriyooday, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Kenya.
Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in 57 qof lala xiriiriyay bukaankii geeriyooday, iyadoo 10 ka mid ah la karantiilay, halka dadaallada lagu raadinayo dadka kale ay socdaan.