Riyaad, 9 Febraayo 2026 (Dawan) – Wasaaradda Gaashaandhigga Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca militariga.
Heshiiskan, waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Khaalid Bin Salmaan,inti lagu guda jiray Bandhigga Difaaca Adduunka ee 2026, kaas oo Axaddii ka furmay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya.







