Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hiigsaneyso in iskaashiga ay la leedahay Mareykanka uusan ku koobnaan dhinaca amniga oo keliya, balse uu ku fido dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dhaqaalaha buluugga ah.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay sannad-guuradii 250-aad ee madax-bannaanida Mareykanka, oo Khamiistii lagu qabtay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.
Waxa uu sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka uu sii kobcayo, xilli ay Soomaaliya horumar ka sameyneyso dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo xoojinta hannaanka dowladnimada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in iskaashiga dhinaca amniga uu weli yahay mid muhiim ah, maadaama Soomaaliya ay sii waddo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana ay xoojinayso awoodda hay’adaha amniga qaranka.