Qaahira ( Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga codsatay dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta in la qabto kulan degdeg ah, si looga arrinsado loona diido go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland inay tahay dal ka madax-bannaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Masar, ahna wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta, Danjire Cali Cabdi Awaare, ayaa sheegay in codsigan uu ujeedkiisu yahay in Golaha Jaamacadda Carabta uu qaato mowqif mideysan oo cad oo lagu cambaareeynayo Islaamka lagu diidayo tallaabada Israa’iil, taas oo uu ku tilmaamay mid si toos ah u dhaawaceysa madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Danjiruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalalka Carabta ay muujiyaan midnimo iyo garab-istaag buuxa oo ay la garab istaagaan Soomaaliya, si loo difaaco mabaadi’da madaxbannaanida qaran iyo midnimada dhuleed ee dowladaha Carabta, isla markaana looga hortago tallaabo kasta oo khatar gelin karta xasilloonida Geeska Afrika.






