Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya ayaa sameysay horumarkii ugu weynaa ee caalamka dhinaca dib-u-habeynta nidaaminta Tiknoolajiyadda Macluumaadka iyo Isgaarsiinta (ICT) intii u dhexeysay 2007 ilaa 2024, sida lagu sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU)
Warbixinta ITU ee Raad-raaca Nidaaminta ICT (ICT Regulatory Tracker) 2026 ayaa muujisay in dhibcaha Soomaaliya ay ka kordheen 0.0 sanadkii 2007 ilaa 77.5 sanadkii 2024, taasoo ka dhigan koror dhan 77.5 dhibcood.
Warbixintu waxay Soomaaliya gelisay kaalinta koowaad ee 15-ka dal ee sameeyay horumarka ugu weyn ee nidaaminta ICT-da, iyadoo ka hormartay dalal ay ka mid yihiin Comoros, Solomon Islands iyo Eswatini.
ITU ayaa sheegay in horumarkani uu yimid kadib dib-u-habeyn lagu sameeyay nidaamka isgaarsiinta Soomaaliya tan iyo markii la aas-aasay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka sanadkii 2018, iyadoo lagu dhisay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu gudubtay heerka Jiilka Saddexaad (G3) ee nidaaminta ICT, kaas oo diiradda saaraya dhiirrigelinta maalgashiga iyo ballaarinta adeegyada isgaarsiinta.


