Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya ayaa qorsheynaysa inay koronto ka soo iibsato Itoobiya iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu ballaarinayo helitaanka tamarta iyo dhimista qiimaha korontada, sida uu sheegay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame.
Wasiirka oo wareysi ku bixiyay Miizaan Podcast oo ka baxa Dawan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorsheyaal la xiriira soo dhoofinta koronto laga keeno Itoobiya.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay qorsheyneyso in korontada Itoobiya laga soo geliyo saddex meelood oo kala ah Doolow, Wajaale iyo Goldogob, ka hor inta aan loo sii gudbin magaalooyinka dalka.
Waxa uu sheegay in mashruucan uu taageerayo Bangiga Adduunka, isagoo xusay in daraasadaha suurtagalnimada (feasibility study) ee laba kamid ah meelaha qorshuhu marayo hore loo dhammeeyay.
“Waxaa jiro barnaamij World Bank naga caawinayo oo in Itoobiya koronto laga keeno ah oo saddex meel nooga soo gasha ah. Hadda laba meel ayaa la dhammeeyey feasibility studygooda,” ayuu yiri Wasiir Bidhaan.


