Washington, D.C., 18 Oct. 25 — Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa ugu baaqay hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah iyo saaxiibbada horumarinta inay xoogga saaraan maalgashiga iyo shaqo-abuurka, halkii ay diiradda saari lahaayeen kaalmooyinka tooska ah, intii lagu guda jiray shirkii sannadlaha ahaa ee Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF).
Wasiir Biixi ayaa sheegay in xaaladda dhaqaale ee dunida ay si degdeg ah isu beddelayso, ayna jiraan dalal deeq-bixiyeyaal ah oo hoos u dhigay kaalmooyinkii tooska ahaa, halka ay kor u qaadayaan iskaashiga maalgashiga. Wuxuu tilmaamay in dalalka Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, ay fursad u tahay inay abuuraan nidaamyo maaliyadeed oo dhiirrigelinaya maalgashiga iyo koboca dhaqaalaha.
“Dunidu way isbeddashay; dalalka deeq-bixiyeyaasha waxay diiradda saarayaan maalgashi, halkii ay ka ahaan lahaayeen kuwa kaalmo toos ah bixiya. Afrika waa inay diyaarsataa shuruuc iyo jawi dhaqaale oo soo jiita maalgashadayaasha,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.
Soomaaliya ayaa qeyb muhiim ah ka qaadatay madasha Horn of Africa Initiative, oo lagu falanqeeyay sidii loo horumarin lahaa ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo iskaashiga maalgashiga ee gobolka. Kulankaas ayuu Wasiir Biixi guddoomiyey isagoo xusay in arrimaha shaqo-abuurka dhalinyarada iyo fududeynta helitaanka maalgelin ay yihiin mudnaanta koowaad ee Soomaaliya.








