Muqdisho, 18-kii Sebteembar 2025 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) ayaa maanta Muqdisho ku qabatay shir qaran oo lagaga tashanayay hirgelinta One Network Area (ONA), oo ah hindise goboleed lagu doonayo in lagu yareeyo kharashaadka wicitaanka, qoraalka, iyo internate-ka mobiladda isla markaana lagu xoojiyo isku xirnaanta dhijitaalka ah ee dalalka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Shirka ayaa isugu keenay shirkadaha isgaarsiinta ee dalka ka howl gala, si loo eego khariidadda Soomaaliya ee ku biirista ONA iyo sidii loo diyaarin lahaa arrimaha farsamo iyo sharciyeed.
Mustafa Yasin Sheikh, Agaasimaha Guud ee NCA, ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda mashruuca:
“Hirgelinta One Network Area waa tallaabo muhiim u ah dhimista kharashaadka roaming-ka, xoojinta isku xirnaanta, iyo hormarinta dhijitaalka Soomaaliya. Waxay naga caawin doontaa inaan si buuxda ula dhex milanno Bulshada Bariga Afrika isla markaana ay kor u qaaddo kobaca dhaqaalaha iyada oo loo marayo isgaarsiin aan xuduud lahayn.”








