Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalad gaajo iyo nafaqo-darro oo si degdeg ah uga sii dareysa, iyadoo hay’adaha Qaramada Midoobay ay ka digeen in malaayiin qof ay ku jiraan heerar halis ah oo cunto-yari ah, xilli khatar macluul ay kasoo ifbaxday qeybo ka mid ah dalka.
Digniintan waxaa soo saaray Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), Xafiiska Isku-dubaridka Arrimaha Bani’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (OCHA), UNICEF iyo Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP), kuwaas oo sheegay in 6 milyan oo qof, una dhiganta 31% shacabka Soomaaliya, ay wajahayaan cunto-yari daran inta u dhexeysa Abriil iyo Juun 2026.
Hay’adaha ayaa sheegay in xaaladda hadda jirta ay noqotay mid ka mid ah dhibaatooyinka nafaqo-darro ee ugu daran dunida, iyadoo ku dhowaad 1.9 milyan oo carruur ah ay saameysay nafaqo-darro. Waxaa ka mid ah 493,000 oo carruur ah oo wajahaya nafaqo-darro daran, kuwaas oo halis ugu jira dhimasho marka loo eego carruurta si wanaagsan u nafaqeysan.
Degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah meelaha ugu nugul, iyadoo dadka ku nool deegaan-beereedka iyo xoolo-dhaqatada ay wajahayaan khatar macluul haddii roobabka Gu’ga uusan u da'in si caadi ah, qiimaha cuntaduna sii kordho, isla markaana aan la ballaarin gargaarka bani’aadantinimo.
Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ku dhowaad 40% carruurta ka yar shanta sano ee ku nool deegaankaas ay durba la ildaran yihiin nafaqo-darro daran.


