Soomaaliya (Dawan) – Soomaaliya ayaa Mareykanka ugu hambalyeysay 250-guurada madax-bannaanidiisa, iyadoo dib u xaqiijisay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.
War-saxaafadeed ay Sabtidan soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayay hambalyo ugu dirtay dowladda iyo shacabka Mareykanka munaasabaddan taariikhiga ah.
Wasaaraddu waxay sheegtay in Soomaaliya ay qiimeyneyso saaxiibtinimada muddada dheer ee kala dhexeysa Mareykanka, iyadoo u rajeysay nabad, barwaaqo iyo guul joogto ah.