Muqdisho (Dawan)– Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la ansixiyay wejigii ugu dambeeyay ee Barnaamijka Wadajirka ah ee Dib-u-habeynta Booliska (JPP II), mashruuc ku kacaya 14.9 milyan oo doollar, kaas oo lagu taageerayo tayeynta iyo xirfadeynta ciidanka booliska xilliga kala-guurka ah ee amniga dalka.
Barnaamijkan, oo soconaya inta u dhaxaysa 2024 ilaa 2026, ayaa waxaa si wadajir ah u taageera Midowga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska, iyadoo fulintiisa ay hormuud ka tahay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta (UNDP), oo la a kaashanaysa hay’ado kale oo Qaramada Midoobay ah oo ka howlgala Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay kulan ay Muqdisho ku yeesheen guddiga hagidda barnaamijka ayaa lagu sheegay in Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu mashruucani u leeyahay dhisidda ciidan boolis oo “karti leh, hufan, isla markaana lala xisaabtami karo”, kana shaqeeya amniga iyo xasilloonida bulshada.
Wejiga ugu dambeeya ee barnaamijka ayaa diiradda saaraya xasilinta deegaannada dhowaan laga xoreeyay kooxaha hubeysan, iyadoo sidoo kale lagu wado in la dhiso Akadeemiyad Hoggaamineed oo cusub, taas oo lagu mideynayo tababarrada booliska ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.






