Muqdisho (Dawan)— Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa noqday xubintii 13-aad ee ku biirta Isbahaysiga Golayaasha Warbaahinta Afrika ee Madaxa-bannaan ee NEMCA, sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Arbacadii. Xubinnimada ayaa lagu ansixiyay kalfadhigii labaad ee shirka sannadlaha ah ee NEMCA, oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika.
Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in shirka sidoo kale si buuxda loogu ansixiyay dastuurka isbahaysiga, laguna go’aamiyay in Nigeria ay martigeliso kalfadhiga guud ee NEMCA sannadka 2027.
Guddoomiyaha Golaha Warbaahinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Aadan Koronto, ayaa sheegay in goluhu uu ballanqaadayo gudashada waajibaadka la xiriira ilaalinta xorriyadda hadalka iyo horumarinta saxaafadda Afrika. Koronto ayaa xubinnimada ku tilmaamay guul weyn oo Soomaaliya u oggolaanaysa inay si buuxda uga qaybqaadato howlaha isbahaysiga.