Soomaaliya, 02 November 2025 – Hoggaanka Baarista Dambiyada ee CID ayaa ku dhawaaqay in howlgal lagula dagaalamayo magafayaasha tahriibka dadka, kadib kulan shalay ka dhacay Muqdisho oo uu shir guddoomiyay Taliyaha CID, Muxudiin Axmed Cismaan.
Shirka ayaa lagu soo bandhigay baaritaanka kiisaska tahriibinta dhalinyarada, xannibaadda xisaabaadka lacageed ee ay isticmaalaan shabakadaha.
Taliyaha CID ayaa xusay in hay’adda ay ka go'an tahay in la baabi’iyo dhammaan shabakadaha tahriibka ee gudaha iyo dibadda dalka ka hawlgala, isagoo caddeeyay in cid kastoo fududeysa tahriibka la hor keeni doono sharciga.
“Dadka noocaas oo kale waa in si degdeg ah baaris loo geliyo, loo soo qabtaa. Qolada wardoonkana waxaan ka rabaa inay xogtaas raadiyaan, dadka sidaas oo kale ahna soo ogaadaan — waayo dhibaato weyn ayay ku hayaan dhallinyarada Soomaaliyeed. Arrinkaas waa in si hufan loogu kuurgalaa, loo raadiyaa, loo dabagala…” ayuu yiri Muxudiin Axmed Cismaan
Taliyaha CID-da carabka ku adkeeyay in la xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha amniga, islamarkaana la dardar gelinayo baaritaanada iyo maxkamadeynta eedeysanayaasha, si looga hortago shakhsiyaadka iyo shabakadaha dadka tahriibiya ama u fududeeya dalka howlaha tahriibka.
Dowladda Soomaaliya ayaa boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyo kala duwan ee dalalka caalamka ah dalka dib ugu soo celisa iyada oo dadkaas ay u badan yihiin kuwa ka tahriibay Soomaaliya sababo badan owgeed.

%2520Southwest_State_Security_AlShabaab_Defectors_Nov2025.jpg&w=3840&q=75)
