Soomaaliya, 15 Oktoobar 2025 — Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah maanta uga furmay Muqdisho, isaga oo calaamad u ah bilowga dood laba maalmood socon doonta oo ku saabsan sida Soomaaliya uga gudbi karto tamarta la cusboonaysiin karo iyo horumar waara.
Bandhiggan, oo ay soo qaban-qaabisay Hormuud Telecom, ayaa isu keena masuuliyiinta sare ee dowladda, hoggaamiyeyaasha ganacsiga, iyo khubarada tamarta, iyadoo sanadkan diiradda lagu saarayo “Isbeddelka Tamarta Soomaaliya: Caqabado, Fursado, iyo Saameynta Cimilada.”
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Cabdullaahi Bidhan Warsame, ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay qorsheyneyso in la yareeyo ku-tiirsanaanta shidaalka la soo dhoofiyo 50% isla markaana 50% korontada dalka laga dhaliyo ilo tamarta la cusboonaysiin karo saddexda sano ee soo socota, si korontadu u noqoto mid nadiif ah, jaban, isla markaana la heli karo.
“Qiyaastii kala bar bulshada Soomaaliyeed — 49% — weli ma helaan koronto. Tani waa ka hooseysa celceliska qaaradda Afrika ee 65%, taasoo muujinaysa in waddo dheer naga horeyso,” ayuu yiri Wasiir Bidhan.
“Ku dhawaad 85% korontada Soomaaliya waxaa lagu dhaliyaa shidaal la soo dhoofiyo. Waxaan ka go’an tahay in aan yareyno ku-tiirsanaanta shidaalka, iyadoo 50% korontada mustaqbalka laga dhaliyo tamarta qoraxda, si loo gaarsiiyo shacabka koronto nadiif ah oo la awoodi karo,” ayuu intaa ku daray.
Guddoomiyaha Hormuud Telecom, Axmed Maxamed Yuusuf, ayaa tilmaamay doorka hoggaaminta ee ganacsiga gaarka loo leeyahay ee kor u qaadista tamarta nadiifka ah:“Ku dhawaad 85% korontada Soomaaliya waxaa laga dhaliyaa shidaal. Hormuud waxaan dooranay inaan ka faa’iideysano khayraadka dabiiciga ah ee Eebe na siiyey. Qiyaastii 90% xarumaha shirkaddu hadda waxay ku shaqeeyaan tamarta qoraxda — tallaabo lagu ilaalinayo deegaanka iyo horumar waara.”
Culimada iyo aqoonyahannada ka qaybgalay bandhigga ayaa sidoo kale ku adkeeyay mas’uuliyadda diineed iyo midda deegaanka ee la xiriirta isticmaalka tamarta la cusboonaysiin karo. Sheekh Cabdi-Hayi Sheekh Axmed, oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed, ayaa sheegay in tamarta qoraxdu tahay nimco Eebe na siiyey:“Kulaylka qoraxda waa in aan kaliya la dareemin balse sidoo kale lagu mahadiyo sidii nimco Eebe na siiyey oo koronto dhalin karta. Waa inaan ka faa’iideysanaa iftiinka qoraxda ee aan ku hodannahay.”
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Maxamuud Cabdikariin Gabeyre, ayaa amaanay shirkadaha tamarta maxalliga ah ee hoos u dhigay qiimaha korontada isla markaana hagaajiyay adeegga:“Kadib burburkii dowladda, shirkadaha maxalliga ah waxay bilaabeen in ay dhistaan ceelal biyo iyo warshado baraf ah oo sidoo kale koronto dhalin jiray. Dhowr shirkadood ayaa midoobay si loo sameeyo BECO, Mogadishu Power, iyo Blue Sky. Shirkadahani waxay laf-dhabar u ahaayeen horumarka qaran, iyagoo hoos u dhigay qiimaha korontada $1.5 ilaa $0.41 halkii kiilowaat-saac.”
Khabiir ku takhasusay tamarta, Cabdulkadir Abikar Xuseen, ayaa ku baaqay in la maalgeliyo biyo-xireenada wabiyada Jubba iyo Shabelle si loo gaaro madax-bannaanida tamarta iyo horumarinta beeraha:“Wabiyada Jubba iyo Shabelle waxaa loo isticmaali karaa dhismaha biyo-xireeno. Mashruucyadii hore sida Faanoole waxay caddeeyeen in Soomaalidu si guul leh u dhisi karto keyd biyo. Biyo-xireenadani waxay dhalin karaan koronto, taageeri karaan waraabka, isla markaana kaydin karaan biyo xilliga abaaraha.”
Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed wuxuu sii socon doonaa ilaa berri, iyadoo lagu qaban doono dood-cilmiyeedyo ku saabsan maalgashiga tamarta la cusboonaysiin karo, adkeysiga cimilada, iyo dib-u-habeynta siyaasadaha ee qaabeynaya mustaqbalka tamarta nadiifka ah ee Soomaaliya.



