Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in la dhiso Naadiga Dabaasha ee dalka, xilli Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ay sheegtay inay xoogga saareyso horumarinta ciyaaraha iyo awood-siinta dhallinyarada.
Qorshahan ayaa lagu soo bandhigay kulan uu Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir Cali, xarunta cusub ee Wasaaradda kula yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee dhinacyada dhallinyarada, ciyaaraha iyo kobcinta hay’adaha.
Wasiirka ayaa la wadaagay Safiirka qorshayaasha Wasaaradda ee lagu aas-aasayo Naadiga Dabaasha Soomaaliya oo heer qaran ah, si loo ballaariyo ka qaybgalka dhallinyarada ee dabaasha loona xoojiyo horumarinta ciyaaraha dabaasha ee Soomaaliya.


